DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in daryeelka caafimaad uu noqonaya mid takoor ka madax bannaan

0
385

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska maalinta halyeeyada wadanka ee Mashujaa Day ayaa sheegay in dhammaan kenyaanka ay heli doonaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, ay awoodaan sidoo kalena aan lagu kala takoorin.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay saxiixay afar hindise sharciyeed oo la xiriira caafimaadka.
Xeerarkan dhaqan galay ayaa kala ah daryeelka caafimaadka aasasiga,xeerka caafimaadka casriga ah, xeerka wanaajinta maalgelinta xarumaha iyo xeerka caymiska caafimaad ee bulshada.
Nidaamyadan ayaa horseedi doono in la helo qaabab dastuuri ah iyo kuwa maamul oo loogu guulaysan karo dhaqangelinta barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
William Ruto ayaa sheegay in xeerarkan ay isbeddel ku sameyn doonaan daryeelka caafimaad ee gudaha dalka.
Waxaa uu xusay inay door ka qaadan doonaan badbaadinta nolosha shacabka , inay awoodsiin u yihiin bulshooyinka marka la eego qarashaadka bukaannada uga baxo adeegyada sidoo kalena ay xoojin doonaan waaxda caafimaadka ee dalka.
Madaxweynaha dalka oo ka hadlaya sababta hal ku dhigga xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee sanadkan looga dhigay barnaamijka caafimaadka guud ayaa yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaciyay in shakhsiyaadkan ay toban ka mid ah ismaamullada dalka guriyahooda ku booqdeen in ka badan hal milyan oo qoysas ah iyagoo u fidiyay adeegyada caafimaadka ee aasaasiga sidoo kalena xogahooda soo uruuriyay taasoo muhiim u ah Barnaamijka Afya Nyumbani program ee maanta la soo bandhigay.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday in iyadoo ay is kaashanayaan dowladda dhexe iyo ismaamullada in qalab iyo mushaar la siinaya dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka.

Dowladda dhexe ayaa ballan qaadday inay 3 bilyan oo shilin ku maalgelin doonto taageeridda 100,000 oo ah dadka si iskood uga shaqeeya howlaha caafimaadka.
Dhanka kale shakhsiyaadkan ayaa sheegay in tababarro la siiyay oo ayna soo dhaweynayaan barnaamijka caafimaadka ee maanta la daahfuray.

Hoggaamiyaha dalka oo faahfaahinaya muhiimadda uu leeyahay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ayaa sheegay in kenyaanka aan wax lacago ah looga qaadi doonin isbitaallada heerarka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad.
Waxaa uu intaasi ku daray in shacabka ku nool deegaannada hoose ee dalka ay guddi matalo ku lahaan doonaan maamulka isbitaallada dowladda ee halkaasi ku yaalla si haddii ay daawo la’aan jirto ama aynan ku filnayn dhakhaatiirta ay dowladda ugu soo wargeliyaan caqabadahan.

Hoggaamiyaha dalka oo carrabka ku adkeeyay in qorshaha dowladda uu yahay in qofka kenyaanka ah uu daryeel caafimaad oo tayo leh ka helo meesha ugu dhow ayaa dhanka kale xusay in xarun kasta oo caafimaad ay lahaan doonto miisaaniyad u gaar ah taasina aan meel kale loo wareejin karin si looga hor tago falalka musuqmaasuqa ee lagu iibiyo daawooyinka dadweynaha loogu tala galay.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan lacago lagu daryeelo la waydiin doonin dadka ay waxyeellada ka soo gaarto shilalka , kuwa wajahaya xaaladaha degdegga ah ama qabo xanuunnada raaga isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la fududeysan karin nolosha qofka kenyaanka ah.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale sheegay in qof kasta uu waaxda caymiska caafimaadka ku bixin doono qarashaad u dhigmo dakhliga soo galo iyadoo cidii aan awoodina ay dowladda ka bixinaysa qarashaadkan.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in hadda ka dib aan qof keynaan ah isbitaal looga soo eryi doonin inuunan bixin qarashaadka caafimaadka awgeed.

Nidaamkan oo horay loo yaqaanay NHIF ayaa lagu beddelaya caymiska caafimaad ee bulshada waxaana tani lagu soo dhisaya ilaa saddex sanduuq oo dhaqaale.