DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in aynan daacad ahayn dadka ka soo horjeedo in uu la hadlo waaxda garsoorka

0
177

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in cid kasta oo ka soo hor jeedda in uu wada xaajood la sameeyo hoggaanka waaxda garsoorka ee wadanka aynan daacad ahayn oo ay u daneynaysa dadka musuqmaasuqa ku lugta leh.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu aqbalay diyaarna uu u yahay in uu wada hadallo la yeesho mas’uuliyiinta laamaha kale ee dowladda dhexe sida garsoorka iyo baarlamaanka si xal loogu helo caqabadaha jira.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Endebess ee ismaamulka Trans Nzoia ayuu madaxweyne William Ruto gaashaanka u daruuray hadal uu dhawaan jeediyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome uga digay in ay la xaajooto golaha fulinta ee dowladda ee uu hoggaaminaya madaxweyne William Ruto isagoo xusay in taasi ay caqabad ku noqon karto madax bannaanida waaxda cadaaladda ee dalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya , Raila Odinga ayaa Martha Koome u sheegay in keliya laga doonayo in golaha fulinta ee dowladda ay ku amarto inuu u hoggaansamo go’aammada maxkamadeed.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka William Ruto oo u jawaabayay Raila Odinga ayaa yiri.