DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ay la tacaalayaan shaqo la’aanta dhallinyarada

0
441

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhaqan gelinaysa barnaamijyo iyo xeerar siyaasadeed oo shaqooyin loogu abuuraya dhallinyarada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin istaraatiiji oo degdeg ah oo lagu xallinaya shaqo la’aanta ka jirta gudaha dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijyada ay dowladdu wado ee fursadaha shaqo loogu abuuraya da’yarta ay kala yihiin dhisidda guriyaha lagu degi karo qiimo ay kenyaanka awoodaan , shaqooyinka dhijitaalka ah iyo in muwaadiniinta ay shaqooyin ka helaan dalalka kale ee caalamka.
Arrintan ayuu madaxweyne William Ruto ka hadlay xilli uu  si rasmi ah magaalada Kitale ee ismaamulka Trans-Nzoia uga furay xarunta ICT-da ee bulshada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay xarumahan ka hirgelinaysa dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada wadanka si dhallinyarada ay uga bartaan xirfadaha casriga ee ay uga shaqeysan karaan baraha online-ka ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in toddobaadkii hore la bixiyay lacag dhan 120 milyan oo shilin si tababarrada shaqooyinka online-ka ah loogu fidiyo 300 ilaa 400 oo dhallinyaro ah oo ku nool dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada wadanka oo ah 1,450 wards.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ku daray in xarumaha casriga ee la hirgeliyay ay ilaa iyo hadda shaqooyin ka heleen 119,000 oo dhallinyaro ah.
Waxaa uu qof kasta oo dhallinyaro ah oo tababarradan qaatay ku boorriyay inuu hago da’yarta kale.

Madaxweyne William Ruto ayaa markii dambe booqday suuqa Masinde Muliro iyo dhul ku yaalla magaalada Kitale oo laga dhisi doono 10,000 guriyo ah.
Waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku wehelinayay wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha, dhigeeda isgaarsiinta Eliud Owalo, barasaabka ismaamulka Trans-Nzoia George Natembeya, xildhibaano uu hor kacayay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah iyo wakiillada deegaannada hoose ee dowlad deegaankaasi.