DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in adeegga korontada la gaarsiin doono deegaano badan

0
183

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu jiro qorsho ay dejisay dowladda sare oo muddo saddex sano ah adeegga korontada lagu gaarsiinaya deegaano dheeraad ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay wanaajin doonto helidda adeegyada kale ee dowladda.

William Ruto ayaa dhanka kale xusay in miisaaniyad dheeraad ah loo qoondeyn doono dhisidda waddooyinka si horumar wax ku ool ah looga sameeyo deegaannada hoose ee wadanka.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Nyandarua ee gobolka Bartamaha dalka oo uu xariga uga jarayay mashaariic horumarineed.