DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in 2,500 oo kalkaaliyaal ah laga howlgelinaya Sacuudi Carabiya

0
198

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in heshiis ay dowladda Kenya la gashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ka dib in halkaasi ay shaqooyin ka heli doonaan ugu yaraan 2,500 oo ah kalkaaliyaal.
Waxaa uu dadka takhasuskan leh ku boorriyay inay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ay codsiyadooda gudbiyaan.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ku bixinaya sidii kenyaanka ay shaqooyin wanaagsan uga heli lahaayeen dalalka kale ee caalamka.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu laga dhisi doono 20,000 oo ah guriyaha tayo ahaan wanaagsan ee ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah.

Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedin ahayd inuu laaluush siiyo garsoorayaasha si aynan uga soo horjeedsan qorshayaasha horumarineed ee maamulkiisa isagoo carrabka ku adkeeyay in uunan laaluush bixin doonin.