DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo shacabka iyo madaxda Narok midnimo ugu baaqay

0
186

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha maxalliga ah, shacabka, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta diimeed ee ismaamulka Narok ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan.
Waxaa uu ka codsaday inay iska ilaaliyaan qabyaaladda iyo siyaasadda kala qaybinta ku saleysan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay sameeyaan wada hadallo nabadeed oo xal waara loogu helaya isku dhacyada halkaasi laga soo tabiyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan kenyaanka laga doonayo in ay midnimo muujiyaan si ay Kenya ugu suurtagasho in musharraxeeda uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.