DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo meesha ka saaray heshiis awood qaybsi ah

0
263

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in aynan marnaba suuragal ahayn in isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo garabka mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay gaaraan heshiis ku saabsan awood qaybsi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wada xaajoodyada dhawaan billaabanaya ee u dhexeeya labada dhinac diiradda lagu saari doono arrimaha ay dani ugu jirto kenyaanka.
William Ruto ayaa xilli uu mashaariic horumarineed xarigga uga jarayay ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha Kenya waxaa uu dhanka kale difaacay xeerka maaliyadda ee sanadkan oo uu sheegay in canshuurta dheeraadka ee la uruurinaya ay wadanka u horseedi doonto kobac dhaqaale.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna madaxa garabka Kenya Kwanza ee wada hadallada siyaasadeed Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in laga billaabo maalinka Arbacada ee toddobaadkan ay wada hadallada kala dhexeeya Azimio ka billaaban doonaan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inaynan ka wada hadli doonin arrimo laga soo gudbay sida doorashadii guud ee sanadkii hore .