DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo mas’uuliyiinta ku hogaamiyay daawashada Meydka Mwai Kibaki

0
543

Madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta oo abaare 10-kii barqanimo gaaray xarunta baarlamanaka ee Kenya ayaa mas’uuliyinta ku hogaamiyay daawashada meydka madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki.
Marwada koowaada ee dalka Magret Kenyatta ,madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo mas’uuliyiin aad u tiro badan ayaa maanta ka qeyb galay daawashada meydka Kibaki.
Shacabka Kenyaanka ah ayaa iyagana loo ogolaaday inay daawadaan Meydka Kibaki .
Maanta oo isniin ah ,talaadada ilaa iyo arbacada ayaa loogu talagalay in meydka hogaamihii hore ee dalka uu yaala xarunta Baarlamaanka.
Waxaana si weyn maanta loo adkeeyay amaanka aqalka baarlamaanka ee dalka iyadoona ay ciidamada Militiriga hogaaminayeen maamuuska Mr Kibaki.
Qaar ka mid ah xildhibaanadii maanta ka qeyb gashay maamuska madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka hadlay waxa ay ku xasuustaan Mwai Kibaki.

Dhanka kale, laga bilaabo bari dublamaasiyiinta, iyo siyaasiyiinta kale ayaa iyaguna loo ogolaan doonaa inay tagaan xafiisyada gaarka ah ee madaxweynihii hore ee dalka kuwaas oo ku kala yaala ismaamulka Nyari iyo Nairobi si ay ugu tacsiyadeeyaan qoyskiisa.
Jimcaha soo socota oo ay taarikhdu ku beegan tahay 29 bishan April ayay dowladu ku dhawaaqday inay tahay fasax qaran .
Waxaana Mr Kibaki aas qaran loo sameyn doona 30-ka bishaan April.