DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo mamnuucay ka ganacsiga biraha agabka laga sameeyo

0
617

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay amar uu ku mamnuucay in laga ganacsado bir qalaxa laga soo saaro agabka kala duwan ee loo yaqaano Scrap Metals.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ku soo afjarayso burburinta loo gaysto qalabka dowladda oo uu ka mid yahay marinka casriga ee tareenada ee SGR.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in amarka uu ku dhawaaqay uu shaqeyn doono ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka soo saareyso tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula soconaya halka laga keeno birahan, ganacsiga la xiriira iyo dhoofintooda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale digniin adag u diray shakhsiyaadka burburiya kaabayaasha dowladeed isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono.
Madaxweynaha ayaa tusaalo u soo qaatay burburin dhawaan loo gaystay marinka SGR iyo qalabka isgaarsiinta isagoo falalkaasi ku tilmaamay carqaladeyn dhaqaale.
Waxaa uu ku celceliyay in aan loo dulqaadan doonin falalka noocani ah oo uu xusay inay hoos tagayaan fal dambiyeedka khiyaano qaran oo xukunkiisu uu yahay dil.

Amarka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga ganacsado waxyaabaha lagala baxo qalabka la burburiyo.