DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo maanta ku sugan Isiolo

0
194

Madaxweynaha dalka William Ruto oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa maanta gaaray ismaamulka Isiolo.
Madaxda ayaa dadweynaha kula hadlay fagaaraha Isiolo Stadium.
Senatarka dowlad deegaankaasi Faadumo Duullo ayaa ka hadashay tallaabadii isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya uu uga xayuubiyay xilka madaxa kala dambeynta siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare.

Waxay sidoo kale madaxweynaha dalka William Ruto ka codsatay inuu wax ka qabto falal amni darro oo ka taagan ismaamulkaasi iyo khilaaf dhanka dhulka ah oo ay sheegtay inuu ka dhexeyo dadweynaha iyo ciidamada difaaca ee KDF-ta.