DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo loogu baaqay inuu magacaabo garsoorayaal uu ka tagay

0
622

Waxaa weli isa soo taraya baaqyada ay jeedinayaan khuburrada arrimaha sharciga ee dalka ee ku aaddan in madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu magacaabo 6 garsoorayaal oo ka mid ahaa liis ka kooban 40 loo gudbiyay.
Qareenada oo ay hoggaaminayaan madaxdii hore ee cadaaladda wadanka Dr. Willy Mutunga iyo David Maraga ayaa sheegay in ay caddahay in hoggaamiyaha dalka uu ku xadgudbay dastuurka.
Waxaa gudaha dalka ka jirto hadal haynta ka dhalatay go’aankii uu madaxweyne Kenyatta qaatay toddobaadkii hore iyada oo xildhibaanada loogu baaqay in ay xilka qaadis ku sameyaan
Prof. Makau Mutua ayaa dhankiisa su’aal geliyay sababta madaxa cusub ee garsoorka Martha Koome ay uga qayb gashay dhaarinta 34 garsoorayaal ah.
Axmadnaasir Cabdullahi oo isna qareen sare ah ayaa su’aal geliyay xogta sirdoonka ee la sheegay inuu madaxweynaha ku saleeyay mowqifkiisa ee aan la helin xilligii uu Mr. Kenyatta shaacinayay in maalin kasta 2 bilyan oo shilin la musuqmaasuqo.
Waxa dastuurka dalka uu ka qabo in madaxweynaha uu diido inuu magacaabo qaar ka mid ah garsoorayaal uu soo xulay guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee JSC ayaan weydiinay qareen Xasan Sheekh Cabdicasiis oo u warramay Mowlid Maxamad Shuuriye .