DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku dhawaaqay in tallaabo adag laga qaadi doono shakhsiyaadka ka macaasha warshadaha sonkorta

0
253

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah shakhsiyaadka ka dambeeya burburka warshadaha sonkorta soo saaro ee wadanka.
Dr. Ruto, oo socdaal shan maalmood ah ku jooga ismaamullada ku yaalla Galbeedka dalka, ayaa sheegay in dadka gaar ah ay fashiliyeen qorshihii dowladda ee ahaa in dib loo soo nooleeyo shirkadda sonkorta ee Mumias.
Madaxweynaha dalka ayaa ku adkeystay inuusan aqbali doonin in shakhsiyaad gaar ah ay hoos u dhac ku keenaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo warshadda sonkorta ee Mumias.