DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in qaranka loo duceeyo

0
253

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha diimeed ka codsaday inay qaranka u duceeyaan si loo gaaro horumarka la hiigsanaya.
Baaqan ayuu jeediyay xilli uu maanta ka qayb galay munaasabadda kaniisadda AIC ee Milimani oo ka tirsan Nairobi.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka dhanka kale cambaareeyay in qaar ka mid ah baadariyaasha ay halis geliyeen nolosha dad ku xiran iyagoo ka dhaadhiciyay waxyaabo aan sax ahayn sida inay cuntada ka af xirtaan.
Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in guddiga uu u magacaabay dib u habeynta xarumaha diimeed uu soo jeedin doono talooyin wax ku ool ah.