DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in maalgashi laga sameeyo gudaha Kenya

0
230

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay weli tahay meel loogu soo hirto dhanka maalgashiga.
Waxaa uu maalgashatada ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha jira iyo jawiga ku habboon ganacsiga.
Arrintan ayuu maanta ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furay xarunta shirkadda EPZ Kenya ee Nexgen Packaging ee degmada Athi River ee ismaamulka Machakos.
Waxaa uu faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka ay dowladdu qaadday ee lagu fududeynaya howlaha ganacsiga.
Waxaa uu xusay in boqolkiiba 50 la dhimay qarashaadka adeegga korontada uga baxa shirkadaha wax soo saarka ama maalgashiga ee habeenkii shaqeeya.
Sidoo kale waxaa meesha laga saaray shardi ahaa in qofka uu maalinkii si buuxda u isticmaalo korontada si habeenkii qarashaadka looga yareeyo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhul beereedka lagu soo saaro suufka oo sanadkii hore ahaa 44,000 oo eekar sanadkan laga dhigay 104,000 eekar si loo kobciyo wax soo saarka maxalliga ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay inuu saaka ansixiyay in ilaa 5,000 oo eekar loo adeegsado howlaha warshadeynta ee deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
William Ruto ayaa shaaciyay iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Maraykanka oo ay fududaynaysa hay’adda USAID kaasi oo ku kacaya in ka badan 11 milyan oo doollar.
Ujeeddada laga leeyahay wada shaqeyntan ayuu ku sheegay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada , xoojinta ganacsiga iyo ballaarinta soo saaridda dharka.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo ka hadlayay warshadda uu maanta daahfuray ayaa yidhi.

Wasiiradda wasaaradda ganacsiga ee dalka Rebecca Miano ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay abuuridda jawi ku wanaagsan maalgashiga.

Safiiradda Maraykanka ku matasha Kenya Ambasadoor Meg Whitman ayaa dhankeeda sheegtay in labada dal ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danaha muwaadiniintooda ee dhinaca maalgashiga.
Barasaabka ismaamulka Machakos ,Wavinya Ndeti ayaa dhankeeda sheegtay in ay dowladda dhexe garab ku siin doonaan wanaajinta jawiga ganacsi.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in la wado dadaallo lagu xallinaya caqabadaha dhanka biyaha ee ka jira Athi River, Kitengela iyo meelaha kale.