DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in ay wada shaqeeyaan laamaha dowladda

0
229

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qafiifiyay mowqifkiisi ku aadanaa waaxda garsoorka ee dalka oo maalmihii ugu dambeeyay uu dhaliilo u jeedinayay.
Waxaa uu mas’uuliyiinta laamaha dowladda dhexe sida baarlamaanka , garsoorka iyo golaha fulinta ka codsaday inay si dhow u wada shaqeeyaan si qaranka uu horumar u gaaro.

Arrintan ayuu ka sheegay kaniisadda AIC Sugutek ee deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka hadlay in la soo saaraya lacagaha loogu tala galay dugsiyada si aan loo carqaladeyn habsami u socodka howlaha waxbarashada ee wadanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaadka bishan ay beeralayda wadanka heli doonaan bacrimin ku filan si sare loogu qaado wax soo saarka beeraha oo xal loogu helo cunno yarida dalka ka jirta.