Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay in la iska kaashado badbaadinta deegaanka si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu shacabka ka codsaday inay dowladda garab ku siiyaan howlaha geedaha lagu beeraya si loo kordhiyo baaxadda keymaha wadanka.
William Ruto ayaa sheegay in qof kasta oo kenyaan ah laga doonayo inuu geedo abuuro oo aan la isku koobin keliya maanta oo ay dowladdu shaacisay in tahay fasax qaran si loo abuuro ilaa 100 milyan oo geedo ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale dadweynaha uga digay inay degaan gudaha keymaha iyo meelaha biya qabadka ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu shalay magaalada Makindu ee ismaamulka Makueni ka daahfuray barnaamij qaran oo geedo lagu beerayay.
Waxaa halkaasi lagu abuuray ilaa 150,000 oo geed qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in ka hor sanadka 2032-da la abuuro geedo gaaraya 15 bilyan.