DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida hoggaamiyihii Namibia

0
159

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska madaxweynihii wadanka Namibia ee geeriyooday Hage Geingob.
Waxaa uu sheegay inuu murugada la qaybsanaya shacabka dalkaasi.
William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in Hage Geingob uu dadweynaha Namibia ugu adeegayay si dadaal iyo daacadnimo leh.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi aaminsanaa midnimada Afrika isagoo saaxadda caalamiga si wayn ugu ololeyn jiray arrimaha qaaradda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Kenya hoos loo dhigi doono iyadoo la xusuusanaya madaxweynihii dalka Namibia ee saaka geeriyooday.

Dhanka kale xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ayuu bogaadiyay waxqabadka guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi.

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale ka hadlay iskaashiyo Kenya kala dhexeeya dalalka Japan iyo Poland isagoo intaasi ku daray in madaxweynaha Poland uu maanta wadanka imaan doono si ay labo cishe gudaheeda ugu dhameystiraan wada shaqeyn dhanka caanaha ah oo ku kacaysa 8 bilyan oo shilin.

Waxaa sidoo kale geerida Hage Geingob ka tacsiyadeeyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.