DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda

0
280

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu dejinaya qorshayaal la doonayo in hoos loogu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in diiradda la saaraya sidii loo kordhin lahaa soo saaridda cunnada ee gudaha dalka.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay ismaamulka Migori isagoo sidoo kale soo hadal qaaday xallinta dhibaatooyinka ay wajahayaan ganacsatada sonkorta.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta waxaa uu gobolka Nyanza ku sugan yahay maalinkii saddexaad isagoo deegaanka Awendo ee ismaamulka Migori kula kulmi doono beeraleyda dowlad deegaankaasi.