Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay taageeraan mashruuca guriyeynta la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa gaar ahaan canshuurta laga qaadaya ee sanduuqan lagu biirinaya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in canshuurtan ay fududeyn doonto in barnaamijkan lagu guulaysto.
William Ruto ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay mashruucan ay tahay in dadka uu soo galo dakhliga hooseeya gaar ahaan kuwa ku nool xaafadaha isku raranta ah ay fursad u helaan inay lahaadaan guriyo u gaar ah.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha ay dowladda sare ugu qaadeysa wax soo saarka beeraha si loola tacaalo cunno yarida.
Madaxweyne William Ruto ayaa faahfaahiyay siyaabaha uu maamulkiisa shaqooyin ugu abuuraya dhallinyarada.