Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in si degdeg ah wax looga qabto shaqo la’aanta ay wajahayaan qaar ka mid ah dhallinyarada kenyaanka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiinta baarlamaanka , garsoorka iyo golaha fulinta ee dowladda dhexe laga doonayo inay iska kaashadaan sidii caqabaddan loo xallin lahaa.
William Ruto ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in ilaa 500,000 oo dhallinyaro ah ay shaqooyin ka helaan mashruuca guriyeynta halka tiro tani la mid ah ay ku shaqeysan karaan xirfadaha lagu baraya goobaha dhijitaalka ee laga hirgelinaya deegaannada hoose ee ismaamullada.
Xilli uu xariga ka jarayay waddada xiriirisa degmooyinka Kieni- Kiandege – Mworoga iyo Maraa ayuu tilmaamay in dhallinyarada dalka ay sidoo kale ka faa’iidi doonaan barnaamij iskaashi dowladeed ku saleysan oo ay uga howlgalayaan waddamo ay ka mid yihiin Jarmalka, Canada iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay jiraan malaayiin dhallinyaro ah oo dhameeyay heerarka kala duwan ee waxbarashada kuwaasoo shahaadooyin haysta balse aan weli shaqooyin helin.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray dhaliishii uga timid madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ee ka dhanka ahayd in dhallinyarada dalka ay ka shaqeeyaan waddamo kale.