DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay fulinta qorshayaasha horumarineed

0
261

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in maamulkiisa uu ku guulaysan doono dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed ee uu dejiyay.
Xilli uu shalay dadweynaha kula hadlay fagaaraha Nanyuki Stadium ee ismaamulka Laikipia ,ayuu hoggaamiyaha wadanka xusay inuu diiradda saari doono xallinta caqabadaha sida tooska ah u taabanaya nolol maalmeedka kenyaanka.
William Ruto ayaa sheegay in marnaba uunan u dulqaadan doonin in saraakiisha dowladda aynan shacabka ugu adeegin sida laga doonaya.
Waxaa uu cadeeyay in maamulkiisa uunan diyaar u ahayn habacsanaan dhanka shaqada ah.