DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay Kenyaanka

0
292

Madaxweynaha dalka oo ka hadlay fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay Kenyaanka
Madaxweynaha dalka William Ruto oo soo gabagabeeyay socdaal qaatay shan cishe oo uu ku marayay ismaamullada gobolka bartamaha wadanka ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay fulinta waxyaabihii uu shacabka u ballanqaaday xilligii ololaha doorashada.
Hoggaamiyaha dalka oo mashaariic horumarineed ka fuliyay ismaamullada Kiambu, Nyeri iyo Kirinyaga ayaa sheegay inuu adeegsanaya qorshaha ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose iyadoo la taageeraya ganacsatada yaryar ee muruq-maalka ah.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inuu hoggaaminaya koox isbeddel u horseedi doonto wadanka.
Waxaa uu kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii loo yareyn lahaa qiimaha sarreeya ee maciishadda iyadoo beeralayda garab lagu siinaya sare u qaadidda wax soo saarkooda.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale sheegay in la sifeeyay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA oo uu horay u saameeyay musuqmaasuq si adeegyada maamulkan looga dhigo kuwo daahfuran oo wax ku ool ah.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale xusay in dowladda dhexe ay maalgelinaysa beeraha, guriyeynta , wax soo saarka iyo dhaqaalaha casriga ah si loo kordhiyo fursadaha shaqo abuurka ee dhallinyarada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in da’yarta loo abuuraya ilaa 500,000 oo shaqooyinka online-ka ah.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in dib u habeyn lagu sameynaya howlaha waxbarashada si loo waafajiyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu dhanka kale faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ilaa iyo hadda u qabsoomay.