DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay cirib tirka burcadnimada

0
198

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in xarunta lagu tababaro ciidamada difaaca wadanka ee (KDF) ee magaalada Eldoret loo wareejin doono aagga Kerio Valley.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dhexe ku bixinaysa sidii Waqooyiga gobolka Rift Valley looga cirib tiri lahaa dhaca xoolaha iyo falalka burcadnimada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu la tacaali doono burcadnimada qaranka saameysay muddo afartan sano ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu ka dhabeyn doono ballanqaadkiisi dhanka amniga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ee la geeyay Waqooyiga Rift Valley aynan deegaanadaasi ka soo bixi doonin ilaa iyo inta si buuxda looga guuleysanaya kooxaha burcadda ah.