Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka hadda isticmaala caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF mar kale la diiwaangelin doono si ay uga faa’iidaystaan nidaamka cusub ee SHIF.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bomet.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradda caafimaadka ee wadanka ay soo saari doonto faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan qaabka ay shacabka isugu diiwaangelin karaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF.
William Ruto ayaa sheegay in qorshaha cusub uu leeyahay faa’iidooyin dheeraad ah oo kenyaanka looga fududeynaya qarashaadka badan ee uga baxa helidda daryeel caafimaad.




