Madaxweynaha dalka William Ruto oo billaabay socdaal shan cishe ah oo uu ku maraya ismaamullada gobolka Xeebta ayaa sheegay in dowladdu ay lacag dhan hal bilyan oo shilin u qoondeysay sidii ay ula wareegi lahayd dhulalka aan laga faa’iidaysan.
Waxaa uu sheegay inuu jiro dhul badan oo dadkii lahaa aynan joogin waxbana aan lagu qabsan sidaasi awgeedna ay dowladda dhexe dhulkaasi iibsan doonto si dadweynaha loogu qaybiyo oo ay u degaan ama u isticmaalaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in tani ay meesha ka saari doonto caqabadda haysta qaar ka mid ah shacabka Xeebta oo aan lahayn dhul rasmi ah oo loo sharciyeeyay.
Waxaa sidoo kale qorshaha dowladda hoose ee ismaamulka Mombasa ee dhanka dhulalkan ka hadlay guddoomiyaha Mombasa CabdulSwamad Shariif Naasir.