DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka digay siyaasadda qabyaaladda ku saleysan

0
276

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta shacabka.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ee dalka ayuu sheegay in qaran aan lagu horumarin karin kala qaybsanaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha la mideeyo oo laga wada shaqeeyo xallinta caqabadaha jira.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta xilalka ka haya dowladda ee ku howlan qabyaaladda laga xayuubinaya jagooyinka ay hayaan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Kenyaanka ka codsaday in ay ku dadaalaan ilaalinta nabadda, islamarkaana ay kala shaqeeyaan mashaariicda horumarineed ee dowladda.