Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhammaan mas’uuliyiinta la soo doortay ku boorriyay inay u midoobaan sidii ay dadweynaha ugu adeegi lahaayeen.
Xilli uu ku sugnaa kaniisadda ACK Emmanuel Parish ee deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi ayuu sidoo kale ka hadlay mashruuca guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa.
Waxaa uu sheegay in 140,000 oo dhallinyaro ah ay fursado shaqo ka heleen mashruucan.
Madaxweynaha ayaa xusay in aan la barakicin doonin dadka deggan meelaha guriyahan laga dhisaya oo ay dowladdu siin doonto hooy ku meel gaar ah.
Ujeeddada laga leeyahay mashruuca guriyeynta ee dowladda ayuu ku sheegay in laga gudbo xaafadaha isku raranta ah ee aynan u dhameystirnayn adeegyada aasaasiga.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in dhammaadka sanadkan , ismaamulka Nairobi laga dhiso ilaa 50,000 oo guriyo ah.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa ka hadlay caqabadaha dhanka biyaha iyo sida ay dowladda dhexe ula kaashanayaan xal u helidooda.