Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha kala duwan ku boorriyay in aynan siyaasadda u adeegsan kala qaybinta shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasadda ku saleysan kala qaybinta iyo qabyaaladda ay dib u dhac ku keenaysa qaranka.
Waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa uu xaqiijinaya in dhammaan gobollada wadanka ay si siman u qaybsadaan dakhliga.
Sidoo kale waxaa uu madaxda ugu baaqay in ay si buuxda ugu adeegaan dadweynaha oo aynan fududeysan waajibaadka loo igmaday.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu munaasabad kaniiseed uga qayb galay fagaaraha Amutala Stadium ee deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma .