DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo guddoominaya shirka shirka haweenka ee xibiga UDA

0
238

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa guddoominaya shirka haweenka xubnaha ka ah xisbiga talada wadanka haya ee UDA.
Waxaa uu shirkan ka socda xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Shirweynahan oo ay isugu yimaadeen madaxda ugu sarreysa xisbiga iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee haweenka hoggaanka u ah xisbiga UDA ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa hoggaaminta dumarka iyo dhiirigelinta haweenka si ay ugu tartamaan jagooyinka sare ee hoggaaminta.
Waxaa qodobbada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saaraya shirkan warbaahinta faahfaahin ka siisay wakiilka haweenka ee ismaamulka Uasin Gishu ahna guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Gladys Boss Shollei.