DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ganacsatada Tanzania u xaqiijiyay in ay gudaha wadanka ka shaqeysan karaan

0
782

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ganacsatada dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Tanzania ku wargeliyay in ay Kenya uga shaqeysan karaan si la mid ah muwaadiniinta.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in laga doonayo keliya u hoggaansanka xeerarka dastuuriga ah .
Sidoo kale waxaa uu xusay in Kenyaanka doonaya in ay horumar dhanka ganacsiga ah ka sameyaan gudaha Tanzania ay xor yihiin keliya looga baahan yahay in aynan jebin shuruucda dalkaasi

Hadalkan ayuu jeediyay xilli maanta isaga iyo madaxweynaha Tanzania ee dalka ku joogto booqasho rasmi ah Samia Suluhu Xasan ay ka qayb galeen shir ku saabsan arrimaha ganacsiga oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Mrs. Samia ayaa sidoo kale sheegtay in hadda xal loo helay caqabadihii ay wajihi jireen ganacsatada labada dal ee dariska ah maadaama heshiis labo geesood ah la gaaray

Madaxweynaha Tanzania ayaa la filayaa in ay maanta si wadajir ah khudbad ugu jeediso xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.