DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo digniin u diray maamulayaasha dugsiyada

0
245

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray maamulayaasha dugsiyada iyo machadyada lagu barto culuunta farsamada.
Waxaa uu sheegay inay jiraan maamulayaal waalidiinta dhalay ardayda ka qaadaya lacago iyagoo ku andacoonaya in dowladda dhexe aynan bixin miisaaniyadda waxbarashada.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Busia sheegay in dowladdu ay bixisay lacag dhan 62 bilyan oo shilin oo loogu talagalay dhammaan xarumaha tacliinta sida dugsiyada hoose dhexe, dugsiyada sare , machadyada farsamada iyo jaamacadaha.
Waxaa uu xusay in 10 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah loo qoondeeyay in ardayda ay helaan deeqaha waxbarasho ee deegaan baarlamaneedyada.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in la shaqaaleysiiyay 56,000 oo macallimiin ah sidoo kalena toddobaadkan , 2,000 oo barayaal ah loo howlgelin doono xarumaha farsamada ee TVETs.
3-dii bishan ayay ahayd markii ay wasaaradda maaliyadda ee dalka ay sheegtay inay waaxda tacliinta aasaasiga ku wareejisay 4.74 bilyan oo shilin oo loogu talagalay xilli dugsiyeedka koowaad ee dugsiyada hoose dhexe.
Sidoo kale waxaa waaxdan la siiyay 7.6 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay fasallada (JSS).
Wasaaradda maaliyadda ayaa sidoo kale bixisay 2.8 bilyan oo shilin oo lagu qarash gelinaya howlaha imtixaanaadka halka 16.2 bilyan oo shilin ay xilli dugsiyeedkan ku baxaysa maalgelinta dugsiyada sare ee ay ardayda guriyahooda uga hooydaan.