DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo digniin adag u diray shakhsiyaadka gaysta falalka argagixisada

0
208

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballanqaaday in maamulkiisa uu si hufan ula tacaali doono falal argagixisada islamarkaana la ciribtiri doono shakhsiyaadka gaysta falalkaasi.
Waxaa uu xusay in dowladda aysan mar dambe oggolaan doonin weerarro argagixiso oo ka dhaca meel ka mid ah Kenya.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inay qasab tahay in maleeshiyaadka dilalka iyo falalka argagixisanimo ka gaysta ismaamulka Lamu ay halkaasi isaga baxaan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa hadalkan ka sheegay dowlad deegaanka Lamu isagoo maalinkii shanaad ku sugan gobolka Xeebta ee wadanka.

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in shakhsiyaadka xiriirka la leh Al-Shabaab ay maalmahooda kooban yihiin.

Dhanka kale, madaxweyanaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda aysan marnaba aqbaleyn in dekadda Mombasa lagu wareejiyo shakhsiyaad ama shirkado gaar ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaale ayaa labaduba madaxda ismaamulka Lamu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay laamaha ammaanka garab ugu siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada iyo falal dambiyeedyada sidoo kalena inaynan shacabka ku kala qaybin siyaasad, qabiil ama diin.