DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay safarrada uu ku tago dibadda

0
170

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu difaacay safarrada uu ku tago waddamada kale ee caalamka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad ku dhaliilaya safarradan balse ay yihiin kuwo loo baahan yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne William Ruto uu muddo 83 cishe gudaheeda ah safarro ku tagay 38 waddan marka loo barbardhigo hoggaamiyihii ka horreeyay ee Uhuru Kenyatta oo labo xilli oo uu madaxweyne ahaa booqday 53 dal.
Hasa ahaate William Ruto ayaa sheegay in tani ay shaqadiisa tahay maadaama sida uu hadalka u dhigay uu yahay wakiilka sare iyo safiirka Kenya ee qorsheynaya hor u socodka dalka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay safar uu dhawaan ku tagay boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo xusay in saddex toddobaad ka dib ay wada saxiixan doonaan heshiis labo geesood ah oo horseedi doono in Sacuudi Carabiya ay shaqaaleysiiso 350,000 oo kenyaan ah.

Waxaa uu xusay in uunan soo afjari doonin safarrada dibadda maadaama ay dano maalgashi u leeyihiin qaranka.
Waddamada uu madaxweynaha dalka booqday waxaa ka mid ah Ingiriiska , Faransiiska , Mozambique, Masar, Eritrea, Rwanda, Kuuriyada Koonfureed, Koonfur Afrika, Tanzania, Uganda, Shiinaha ,Sacuudiga, Belgium, Comoros,Jarmalka ,Maraykanka , Israa’iil iyo Netherlands.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay in waaxyaha dowladda sida garsoorka, baarlamaanka iyo golaha fulinta ay boqolkiiba 50 dhimi doonaan qarashaadka ku baxo safarrada dibadda si wadanka ay ugu soo harto 11 bilyan oo shilin oo lagu kabi karo bixinta deymaha iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.
Waxaa dhanka kale madaxweynaha safarradiisa dibadda ku taageeray wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen oo ku tilmaamay kuwo suuqgeyn loogu raadinaya badeecooyinka lagu soo saaro gudaha Kenya sida dalagyada ka soo go’o beeraha.