DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay qarashkii ku baxay safarkiisi Maraykanka

0
235

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X waxaa uu ku sheegay inuu ka war qabo walaaca ay kenyaanka ka muujiyeen qarashaadka ku baxay diyaaradii uu ugu safray Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta qaabka loo adeegsado khayraadka dadweynaha.
Ruto ayaa sheegay inuu hormuud ka yahay in Kenya ay dhaqaalaheeda isticmaasho .
Waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in qarashkii ku baxay diyaaradii uu raacay uu ahaa mid ka hooseeya inta loogu safro shirkadda duullimaadka qaran ee Kenya Airways.
Kenyaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in madaxweynaha ay safarkiisa uu ku tagay Maraykanka ay ku wehelinayeen mas’uuliyiin tiro badan balse ma uunan ka jawaabin dhaliishaasi.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa maalmo ka hor beenisay in ay maalgelisay safarkii madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in socdaalkaasi loo adeegsaday ilaa 1.5 milyan oo doollar.
Shakhsiyaadka madaxweynaha dalka William Ruto u jeediyay dhaliisha uu iska fogeeyay waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni.

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga Mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa ku baaqay in dowladdu ay shaaciso qarashaadka rasmiga ah ee ku baxay safarkii madaxweynaha dalka William Ruto iyo wafdigiisi ay dhawaan ku tageen Maraykanka.