DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay canshuurta dheeraadka ah

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto oo magaalada Atlanta kula hadlayay qurba joogta kenyaanka ah ee ku nool Maraykanka ayaa difaacay canshuurta dheeraadka ah ee uu maamulkiisa soo rogay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in Kenya ay horumar gaarto iyadoo adeegsanaysa dhaqaalaheeda oo aan ku tiirsanayn amaah shisheeye.
William Ruto oo qurba joogta xusuusiyay in iyagana waddan aan dalkooda hooyo ahayn ay ku bixiyaan canshuurta ayaa ka codsaday in ay walaalahooda ku nool gudaha Kenya ka dhaadhiciyaan muhiimadda ay leedahay bixinta canshuurta.