Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu ku daahfuray mashruuc halkaasi looga dhisaya guriyo tayo ahaan wanaagsan oo shacabka degayana ay bixinayaan qiimo ay awoodaan.
William Ruto ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshaha horumarineed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ee haya talada wadanka.
Waxaa uu mar kale siyaasiyiinta xusuusiyay in iyagoo mideysan ay iska kaashadaan fulinta waxyaabihii ay shacabka u ballanqaadeen xilligii doorashada.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in uu daahfuray dhismaha 1000 guri oo ka mid ah 50,000 oo laga dhisi doono ismaamulka Kiambu.
Waxaa uu intaasi ku daray in guud ahaan wadanka sanad kasta laga dhisi doono 200,000 oo guriyo ah.
Ujeeddada laga leeyahay mashruuca guriyeynta ee dowladda dhexe ayuu ku sheegay in meesha laga saaro xaafadaha isku raranta ah ee ay nadaafaddu ku hooseyso sidoo kalena ay ku yaryihiin adeegyada dadweyne ee aasaasiga oo ay guud ahaan wadanka ku nool yihiin ilaa 6 milyan oo qof.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay faa’iidooyinka laga helaya dhaqangelinta mashruuca guriyaha oo ay ka mid tahay shaqo abuur iyo sare u qaadidda howlaha ganacsiga ee deegaanka.
Our strategic focus is on expanding access to quality dwelling places at affordable cost in the country. This transformative Plan also presents opportunities for employment and wealth creation to millions of Kenyans struggling to put food on the table. pic.twitter.com/6eOwvQWaiq
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 19, 2023
Alice Ng’ang’a (Thika Town), John Njuguna (Kiambaa), Anne Wamuratha (Kiambu), James Wamacukuru (Kabete), Elijah Kururia (Gatundu North) and Johanna Ng’eno (Emurua Dikirr) were also present. pic.twitter.com/P5ohvc64hr
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) January 19, 2023