Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan fal kasta oo rabshad ah ka hor doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu ku taliyay in ololaha siyaasadeed uu noqdo mid nabad ah oo loo fuliyo sida uu hadalka u dhigay qaab qaangaarnimo ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dadweynaha u sheegay in qalalaase dhaco aan waxba laga faa’iidayn.
Waxaa uu soo hadal qaaday weerarkii dhagaxaanta loo adeegsaday ee dhawaan lagu bartilmaameedsaday diyaarad sidday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Uhuru Kenyatta ayaa ku celceliyay in aflagaado iyo cabsi gelinta musharraxiinta kale aan kenyaanka cod looga heli karin.
Madaxweynaha waxaa uu musharraxiinta ugu baaqay inay shacabka codkooda weydiistaan iyagoo ixtiraamaya xuquuqda siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay taageerada uu u muujiyay musharraxa madaxweynenimo ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga, isagoo carrabka ku dhuftay inuusan wax khalad ah sameyn maadaama uu xaq u leeyahay inuu go’aansado cidda uu codkiisa siinaya.
Hadalka madaxweynaha dalka aya imaanaya iyadoo 17 eedeysanayaal ah loo xiray falkii lagu dhagaxeeyay diyaaraddii Raila Odinga.




