Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa saaka booqday safaaradda dowladda Tanzania ee ku taala xaafadda Muthaiga ee magaaladatan Nairobi ka dib geridii madaxweynihii dalkaasi John Pombe Magufuli.
Waxaa u mar kale ka tacsiyeeyay geeridii hoggaamiyihii dalka Tanzania.
Madaxweynaha oo ay wehlinayeen afhayeenada labada aqal ee dalka iyo ku simaha madaxa cadaaladda ee dalka ayay ballanqaadeen in ay taageeri doonaan madaxweynaha cusub ee la magacaabay ee dalka Tanzania Samiya Suluhu Xasan si ay u dhameystirto muddo xileedkii labaad ee Magufuli ee shanta sano.
Mr. Kenyatta, ayaa waxaa sidoo kale wehelinayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Fred Matiang’i dhiggiisa cayaaraha Aamina Maxamad iyo wasiiradda adeegga dadweynaha Margaret Kobia.
Waxaa ay dhamaantood muujiyeen in ay garab taaganyihiin shacaka dalka Tanzania.
Guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee dalka Justin Muturi, dhiggiisa aqalka sare Ken Lusaka iyo ku simaha madaxa cadaalada ee dalka Philomena Mwilu ayaa u rajeeyay dadweynaha reer Tanzania inay ka gudbi doonaan murugada.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa dib u xasuusiyay xiriirkii walaaltinimo ee taariikhiga ahaa ee ay Kenya kala dhaxeeyay Tanzania, isagoo sheegay in wax kasta oo ka dhaca dalka dariska ah ay sidoo kale saameeneysa shacanka kenyaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii u geeriyooday madaxweynihii dalka Tanzania John Pombe Magufuli ka dib muddo u xanuunsanaa,
Waxaana qorshuhu yahay in 25-ka bishaan lagu aaso gurigiisa oo ku yaala deegaanka chato ee gobalka Geita.