DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballan qaaday dhaqangelinta warbixinta guddiga qaran ee wada hadallada

0
199

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla magaaladatani Nairobi waxaa uu soo dhaweeyay warbixinta uu soo saaray guddiga qaran ee wada hadallada ee (NADCO).
Waxaa uu sheegay in talooyinka ku xusan warbixintan ay yihiin kuwo wanaagsan oo la dhaqan gelin doono.
Madaxweynaha ayaa xubnaha guddiga NADCO uga mahadceliyay dadaalkii ay geliyeen inay soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah.
Xildhibaannada baarlamaanka ayuu ka codsaday inay eegaan warbixinta guddigan oo ay dhameystiraan soo jeedinnada taabanaya xeer dejinta.

Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa ka hadlay caqabadda dhanka tacliinta ee ka jirto caasimadda wadanka ee Nairobi gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.
Waxaa uu sheegay in lacag dhan hal bilyan oo shilin loo qoondeeyay in dowladda dhexe ay ismaamulka Nairobi uga dhisto 3,500 oo ah fasallada dugsiyada halka dowladda ismaamulka ay dhisaysa 1, 500 oo dheeraad ah.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayuu madaxweynaha ku sheegay in dhammaan carruurta ay fursad u lehaan waxbarashada.

Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale kenyaanka ugu baaqay inay dulqaataan oo ay dowladda dhexe fursad u siiyaan dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed.
William Ruto ayaa xusay in xeerarka wax looga beddelaya dhaqaalaha wadanka ay hadda yihiin kuwo miro dhal ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay waddamo ay ka mid tahay Malaysia oo sida uu xusay horumar gaaray ka dib markii ay dadkooda iyo madaxdooda tashadeen.