Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo mashaariic horumarineed ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka bartamaha wadanka ayaa shacabka deegaanadaasi ku nool ugu baaqay inay kaalin ku lahaadaan soo dhisidda maamulka xiga ee dowladda.
Waxaa uu ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua .
Mr. Kenyatta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Mr. Odinga uu ku soo bixi doono loolanka madaxtinnimo isagoo intaasi ku daray in dadweynaha looga baahan yahay inay doortaan hoggaamiyaal sii wadi karo mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyay ismaamullada dalka.