DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo amray in qunsuliyad laga furo magaalada Jeddah

0
405

Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay maqribkii ka qayb galay munaasabad afur ah oo uu soo qaban qaabiyey ururka ganacsatada ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa amar ku bixiyey in qunsuliyad laga furo magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Codsigan oo ka yimid muslimiinta ayaa waxaa madaxweynaha u bandhigay wasiirka wasaaradda difaaca Aadan Barre Ducaale si ay ugu fududaadaan howlaha xajka.

Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale bulshada muslimiinta ah uga mahadceliyay sidii ay bishii siddeedaad ee sanadkii hore codkooda ugu taageereen isagoo ugu baaqay inay sii wadaan ka shaqeynta nabadgalyada , kal-gaceylka oo ayna waddanka u duceeyaan si looga gudbo caqabadaha jira.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale ka hadlay guddiga arrimaha waqafka si bulshada muslimiinta ah ay lacago ugu deeqaan mashruucyada diimeed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu arrintan kala hadlay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi oo uu madaxweynaha soo magacaabi doono guddoomiyaha guddiga waqafyada.

Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii u xaqiijiyay ilaalinta hantidooda isagoo ballan qaaday in la dhameystiri doono waddooyinka uu dhismahooda hakadka ku yimid ee waqooyi bari.