DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo 34 bilyan ku wareejiyay shirkadaha suuqgeeya shidaalka

0
472

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa saxiixay in lacag dhan 34 bilyan oo shilin lagu wareejiyo shirkadaha suuqgeeya noocyada kala duwan ee shidaalka.
Lacagtan ayaa qayb ka ah miisaaniyad dheeraad ah oo la doonayo in lagu bixiyo 13 bilyan oo ay shirkadahan ku leeyihiin dowladda sida laga soo xigtay wasaradda batroolka.
Inta kale ee hartay ayaa dib laga bixin doonaa.
Shalay ayay ahayd markii xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda batroolka ee dalka Andrew Kamau uu warbaahinta NTV u sheegay in dowladda ay lacagta ka maqan shirkadaha OMCs ay bixin doonto ugu dambeyn Talaadada.
Dhaqaalahan oo aan xilliga habboon lagu wareejin shirkadaha suuqgeeya shidaalka ayaa horseedday gaabad baaxad leh oo la xiriira badeeecooyinkan guud ahaan wadanka.
Darawaliinta iyo wadayaasha mootooyinka ayay maalmihii ugu dambeeyay dantu ku qasabtay inay saacado badan ku jiraan safar dhaadheer si ay kaalimaha shidaalka uga iibsadaan shidaal.
Meelaha weli laga dareemayo culeyska dhanka shidaalka waxaa ka mid ah magaalada Wajeer sida uu faahfaahinayo Cabdiraxmaan Mucaawiye.

Tallaabada uu qaaday madaxweynaha wadanka ayaa lagu sheegay tii ugu horreysay ee ku saabsan miisaaniyad dheeraad ah sanad maaliyadeedka 2021-2022-ka.
Hindise sharciyeedka uu qalinka ku duugay ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xallinaya caqabadda dhanka shidaalka ee wadanka oo dhan laga dareemay.
Shirkadaha ka ganacsado shidaalka ayaa lagu eedeyay inay badeecooyinkan keydsadeen si ay dowladda u siiso lacago kaga maqan.
Maamulka maareeya adeegyada batroolka iyo tamarta dalka ee (EPRA) ayaa ganacsatadan ku amray inay soo saaraan shidaalka u keydsan iyagoo sugaya in la siiyo lacagahooda.
EPRA ayaa ku goodisay inay xayiraad ku soo rogi doonto kaalimaha shidaalka ee aan amarkan u hoggaansamin ama shidaalka ku iibinaya qiimo ka sarreeya midka rasmiga ah.