DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo go’aankii maxkamadda ee LGBTQ ku tilmaamay mid aan la aqbali karin

0
422

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka hadlay go’aan ay maxkamadda sare ee wadanka ee Supreme Court ka soo saartay dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya iyo labeebka ee loo yaqaano LGBTQ.
Xaakinnada ayaa sheegay in dadka isku jinsiga ee wax iska daya iyo labeebka ay xaq u leeyihiin inay sameystaan ururro matala oo xuquuqdooda u dooda.
Waxaa uu madaxweynaha dalka go’aanka maxkamadda sare ku tilmaamay mid iyada u gaar ah islamarkaana aan la aqbali karin.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa xusay in kenyaanka ay qadariyaan diimaha kala duwan, dhaqaanka wanaagsan iyo dastuurka wadanka lagu maamulo.
Waxaa uu madaxda kala duwan ee diimaha ugu baaqay in dadweynaha ay ku baraarujiyaan dhaqamada wanaagsan.