DHAGEYSO:Madaxtooyada dalka oo beenisay inuu khilaaf ka dhexeeyo hoggaamiyaasha ugu sarreeya wadanka

0
315

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya inuu khilaaf ka dhex jiro madaxweynaha wadanka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Xuseen Maxamad ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xiriirka labada mas’uul ee ugu sarreeya qaranka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uunan ka war qabin dhibaato u dhexeysa mas’uuliyiintan isagoo intaasi raaciyay in xafiiska madaxweyne ku xigeenka uu yahay mid dowladeed oo laga heli karo macluumaadka looga baahan yahay.
Tani ayaa timid ka dib markii uunan Gachagua dhawaan ka soo muuqan munaasabado rasmi ah oo dowladeed.
Rigathi Gachagua oo ka maqnaa soo dhaweyntii madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Kaguta Museveni iyo munaasabadii uu toddobaadkii hore madaxweynaha dalka William Ruto geedaha ku abuurayay ismaamulka Murang’a ayaa munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri.
Waxaa uu xusay in uu sii socon doono dagaalka ka dhanka ah isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Waxaa weli gudaha wadanka laga hadal hayaa mowqifkii uu shaaciyay toddobaadkii hore ee ahaa in loo baahan yahay in miisaaniyadda deegaannada ee NG-CDF lagu qaybsado tirada codbixiyeyaasha.