DHAGEYSO:Madaxda warbaahinta oo dalbaday in la baaro bartilmaameedsiga wariyaasha

0
342

Hoggaamiyaasha warbaahinta dalka gaar ahaan ururka ay ku mideysan yihiin tifaftirayaasha ayaa agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ka dalbaday inuu baaritaano qoto dheer ku sameeyo dhibaatooyin loo gaystay wariyaal tabinayay dibadbaxyada mucaaradka Azimio La Umoja- One Kenya.
Waxay u qabteen muddo toddobo cishe ah oo uu warbixinta baaritaannada ku soo saaraya.
Sidoo kale waxay ku wargeliyeen in haddii berri wariyaal la dhibaateeyo inay toddobaad ka dib ka sugayaan inuu warbixin kale la wadaago.
Waxay sheegeen inay ka war qabaan qorsho berri hawada looga saaraya qaar ka mid ah warbaahinta dalka sidoo kalena lagu xannibanaya adeegga intarneetka si dadweynaha aynan ula socon xaaladaha mudaaharaadka tani oo ay ku tilmaameen mid halis ah.
Sidoo kale waxay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ka dalbadeen inuu xaqiijiyo badqabka wariyaasha gudanaya waajibaadkooda shaqo iyo dhammaan kenyaanka.
Waxay u sheegeen in hadii saraakiisha ammaanka ay dhibaatooyin u gaystaan suxufiyiinta inay tallaabo sharciyeed ka qaadayaan Koome.
Saamileyda warbaahinta ayaa sidoo kale dhaliilay hadallo ay shalay jeediyeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi oo ay ku tilmaameen kuwo lagu caburinaya madax bannaanida saxaafadda.
Waxay wacad ku mareen in haddii dowladdu ay ku guul dareysato sugidda ammaanka kenyaanka iyo ilaalinta in aan la tabin doonin wararka dowladda dhexe iyadoo laga billaabaya taliyaha guud ee booliiska iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale milkiilayaasha xarumaha warbaahineed ayay ugu baaqeen inay wariyaasha loo diraya goobaha ay dibadbaxyadu ka dhacayaan ay siiyaan agabka la isku difaaco sidoo kalena ay u sameeyaan caymis caafimaad oo ay adeegsan karaan marka ay dhibaatooyin soo gaaraan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in dowladda laga doonayo inay bixiso qarashaadka caafimaad ee wariyaasha la dhaawacmay sidoo kalena loo sameeyo magdhow ku aaddan qalabka laga burburiyay iyo waxyaabaha laga dhacay.