DHAGEYSO:Madaxda Wajeer oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato daroogo laga keeno Itoobiya

0
355

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta laga soo doortay ismaamulka wajeer ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay la tacaasho daroogo ah nooca loo yaqaano xashiishka oo la sheegay in laga keeno dhanka wadanka Itoobiya oo saameyn ku yeelatay dhallinyarada.
Waxaa baaqan soo saaray senatarka Wajeer Dr. Cabdullahi Kabreta iyo xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan Weheliye.

Hadalladan ayay jeediyeen xilli ay shalay ka qayb galeen munaasabad deegaanka Hadaado ee galbeedka Wajeer looga hirgelinayay xafiiska guddoomiye cusub oo halkaasi la geeyay.