DHAGEYSO:Madaxda Tana River oo ku baaqay dib u dhiska dugsiyada ku burburay daadadka

0
628

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Galole ee ismaamulka Tana River Said Hirbae ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay miisaaniyad gaar ah u qoondeyso sidii dib loogu dhisi lahaa dugsiyada burburay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dugsiyada ay waxyeelladu ka soo gaartay daadadka ay ku kala yaallaan deegaannada Galole , Bura iyo Garsen.
Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama uu sanad maaliyadeedka gabogabo yahay in ay aad u adag tahay in kaabayaasha dugsiyada dib loogu dhiso sanduuqa horumarinta deegaannada ee NG-CDF.

Waxaa sidoo kale dhibaatadan ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee Makere, Maso Karayuh iyo John Dhado oo ka mid ah shacabka ku nool Tana River.