Madaxda ismaamulka Samburu oo ay ka mid yihiin senatarka dowlad deegaankaasi Steve Lelegwe iyo xildhibaannada deegaanka Galbeedka Samburu Neisula Lesuda ayaa wasaaradda waxbarashada ku dhaliilay in aynan xilliga habboon dugsiyada gayn buugaagta ay ardayda ka akhristaan casharrada.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in tani ay saameyn wayn ku yeelatay ardayda.
Sidoo kale mas’uuliyiintan ayaa doonaya in laga wada xaajoodo qaabka ugu habboon ee lagula tacaali karo dhacdooyinka gabdhaha ardayda ah ay xilli hore uurka qaadaan.




