DHAGEYSO:Madaxda dalka oo sheegay in ay isbeddel ku sameeyeen dhaqaalaha wadanka

0
259

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin lagu wanaajinaya dhaqaalaha wadanka.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in markii ay hoggaanka Kenya la wareegayeen uu dhaqaalaha aad u liitay balse hadda uu yahay mid xasilloon oo soo kobcaya.
Gachagua ayaa xaaladda dhaqaale ee markii ay hoggaanka qabanayeen la barbardhigay bukaan ku jiro qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da oo kale.
Waxaa uu tilmaamay in kastoo ay weli caqabado jiraan haddana in aan weli la rajo dhigin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa shacabka ku boorriyay inay dulqaad muujiyaan oo ay ku kalsoonaadaan tallaabooyinka ay dowladda dhexe hoos ugu dhigaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda.

7-dii bishan Diseembar ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof. Njuguna Ndung’u uu sheegay in dowladdu ay lacag la’aan tahay oo ay la daala dhacaysa bixinta mushaaraadka.
Arrintan ayuu ka hor sheegay guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda.