DHAGEYSO:Madaxda Azimio oo doonaya in dib u dhiska IEBC lagala tashado Raila Odinga

0
201

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa sheegay in ay qasab tahay in lagala tashado magacaabidda guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC iyo saraakiisha sar sare ee guddigan.
Madaxa xisbiga Wiper , Kalonzo Musyoka ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uunan keligii soo magacaabi karin mas’uuliyiinta IEBC.
Waxaa uu xusay in sidii horay loogu heshiiyay ay qasab tahay in madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa mucaaradka Azimio Raila Odinga ay isku afgartaan cidda hoggaaminaysa guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay hadal haynta ah in madaxii hore ee IEBC Wafula Chebukati uu noqonaya madaxa waaxda cadaaladda ee dalka isagoo sheegay in jagadan ay hadda haysa garsoore Martha Koome.
Mr. Musyoka ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku boorriyay inay mudnaan siiyaan sidii loo soo magacaabi lahaa mas’uuliyiinta sare ee guddiga IEBC ee buuxinaya xilalkii ay baneeyeen Chebukati iyo saraakiishii la shaqeynayay ee uu muddo xileedkoodu dhamaaday.

Madaxa xisbiga DAP-K horayna u soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in wax kala qaybsanaan ah aynan ka dhex jirin isbeheysiga Azimio.
Waxaa uu tilmaamay in garabka mucaaradka ee dalka uu siyaasad ahaan sii xoogeysanaya si ay ula xisaabtamaan dowladda talada haysa.
Hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga oo dhankiisa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero Kalonzo Musyoka haddii uu isku soo sharraxo xilka madaxtinnimo ee dalka.